Sadio Mane iyo Mohamed Salah oo hal Masjid kuwada dukaday Salaadii Jimcaha ee maanta (SAWIRRO)

(Liverpool) 16 Feb 2018 Weerarka kooxda Liverpool ee Muslimka ah ayaa hal Masjid kuwada dukaday salaadii jimcaha ee maanta.

Sadio Mane iyo Mohamed Salah oo ah Muslimiin ka soo jeeda Afrika ayaa kuwada dukaday Salaadii jimcaha Masjid ku yaala magaalada Liverpool.

Qaar kamid ah caruurtii joogay Masjidka ayaa sawiro la galay labadaan xiddiga kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican xiliciyaareed kaan.

Mohamed Salah ayaa 30 gool u dhaliyay Liverpool xiliciyaareed kaan kadib 36 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Halka Sadio Mane uu 3-leey u dhaliyay Liverpool arbacadii kulan kooxdiisu ay 5-0 uga adkaaday FC Porto.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close