“Pogba waxa uu saaxiibadii u sheegay in uu ka shalaayey ku soo noqoshadii Manchester United.”

(London) 15 Feb 2018. Paul Pogba waxa uu u sheegay saaxiibadiisa ku dhaw dhaw in uu ka qoomameeyey ku soo laabashada Manchester United – xogo hoose ayaa warinaya.

Xiddiggaha qiimaha ugu badan ugu fadhiya Manchester United ayaa lagu eedeyey qaab ciyaareed hoseeya dhawaantan, ma dhammeysan 90-ka daqiiqo 3dii kulan ee ugu dambeeysay.

Hadallo adag ayey is weydaarsadeen Mourinho kahor inta aan laga soo saarin kulankii Tottenham Hotspur.

Hadda sida ay warisay L’Equipe, Pogba waxa uu saaxiibadiisa ku dhaw u sheegay in uu ka qoomameeyey dib ugu soo laabashada Old Trafford kadib is qab qabsi badan oo dhexmaray Mourinho.

Guusha qura ee ay Premier League-ga United ka gaartay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey waa Huddersfield oo u keydka ahaa ilaa iyo daqiiqaddii 65-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close