Milan oo xagaaga u xusul duubaysa soo xera gelinta xiddigga Marco Reus

(Milano) 15 Feb 2018 – Kooxda AC Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay xiisaynaysaa xiddigga Borussia Dortmund ee Marco Reus, kaasoo uu qandaraaskiisu dhamaanayo 2019.

Agaasimaha dhanka isboortiga ee Rossoneri jaalle Massimiliano Mirabelli ayaa Jarmanka ku sugnaa todobaadkan, iyadoo ay calciomercato.com werinayso inuu isha la raacayay labada laacib ee Reus iyo Julian Weigl.

Ninka dambe ayaa la sheegayaa inay arrintiisu yara adag tahay, waayo waa mare wuxuu ku kacayaa adduun dhan ugu yaraan €50m, waxaa sidoo kale iyaguna doonaya Manchester City, Manchester United iyo Barcelona.

Dhanka Reus, yeelkeede, heshiis waa ka suuragal maaddaama uu haatan uun dhaawac kasoo kabanayo, isla markaana uu qandaraaskiisu dhacayo Juunyo 2019.

Kooxda Milan ayaa jaalnimadeeda cusub ee Puma u adeegsan karta qorshe ay laacibka kusoo qaadato, waloow ay sidoo kale ku haysato kooxda Arsenal oo ah jaal kale oo ay Puma qalabayso.

Laacib kale oo ay Milan doonayso ayaa lagu sheegay Dayot Upamecano oo u safta RB Leipzig, balse waxaa la sheegayaa inay midkaa qarka u saaran tahay Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close