Waa sidee diyaar garowga Santiago Bernabeu ka hor kulanka Real Madrid vs PSG? (SAWIRRO)

(Madrid) 14 Feb 2018 Garoonka Santiago Bernabeu ayaa sifiican loo qurxiyay xili waqti yar oo kaliya uu ka harsanyahay in lagu dhawaaqo seeriga kulanka Real Madrid iyo PSG.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa soo buux dhaafiyay banaanka garoonka, waxaana haatan la furay albaabada garoonka si taageerayaashu ay fariistaan kuraasta garoonka.

Ciyaartoyda ayaa la filayaa inay goor dhaw soo gaaraan garoonka, halkaas oo is kululayn ay ku samaynayaan ciyaarta ka hor.

Tababare Zidane ayaa weerarkiisa ku soo bilaabay Isco, Benzema iyo Ronaldo, wuxuuna keydka ku cabay laacibka reer Wales ee Gareth Bale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close