Unai Emery oo caawa keydka u dhaadhicinaya laacib wayn kulanka Real Madrid

(Madrid) 14 Feb 2018 Tababare Unai Emery ayaa go’aansaday inuu keydka u dhaadhiciyo laacib muhiim u ah kooxdiisa kulanka caawa ee Real Madrid.

Unai Emery ayaa go’aansaday inuusan ku soo bilaabin caawa daaficiisa laacibka reer Brazil ahna kabtanka PSG ee Thiago Silva sida ay baahisay L’Equipe.

Tababaraha reer Spain ayaa go’aansaday inuu Marquinhos ku lamaaniyo da’yarka reer France ee Presnel Kimpembe kaas oo ah daafac ka fudud Silva isla markaana ku fiican kubadaha madaxa ah.

Image result for Presnel Kimpembe Thiago Silva

Thiago Silva oo ah kabtanka kooxda ayaan shalay ka soo muuqan shirka jaraa’id ee ka hor ciyaarta, waxaana shirka jaraa’id ka soo muuqday Marquinhos kaas oo caawa laf dhabar u noqon doona daafaca PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close