Thiago Silva oo u diray taageereyaasha PSG farriin MURUGO iyo REJO BEEL AH kaddib markii caawa KEYDKA la dhigay!

(Madrid) 14 Feb 2018. Thiago Silva waxa uu farriin murugo iyo rejo beel ah u soo diiray jamaahiirta Paris Saint –Germain kaddib markii keydka la dhigay kulanka caawa ee Real Madrid.

Presnel Kimpembe ayaa ka galay booska kowaad ee shaxda Unai Emerey lugta kowaad ee 16-ka.

Silva waxa ay ku noqotay fejeciso isaga oo loo sheegay in kulanka xiisaha badan uu keydka fariisan doono.

Da’yarka reer France waxa uu ku soo bilowday kulankii PSG ee 4-0 ay uga badiyeen Barceloa xilli ciyaareedkii hore laakiin waxaa lagu bedelay Silba lugtii labaad ee looga adkaaday iyana 6-1.

‘Waxaan rajeynayaa in Ilaahay iga caawiyo in aan horumar sameeyo,’ ayuu Silba ku soo qoray Instagran-kiisa  caawa.

Kimpembe oo ah da’yarka bedelay Silba waxa uu ka soo baxay kuliyadda AS Eragny kahor inta uusan ku biirin carbiska PSG 2005tii.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close