“Ronaldo Wuxuu ka Careysan yahay Lacagaha lagu soo iibiyay Neymar wuxuuna Caawa doonayaa inuu Caalamka tuso inuu ka Laacibsan yahay.”.

(Madrid) 14 Feb 2018. Ronaldo iyo Neymar ayaa shaki la’aan doonaya inay caawa Caalamka u muujiyaan xiddignimadooda marka ay isaga horyimaadaan Lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Los Blancos ayaa mininkeeda ku marti galineysa Camaaliqada Faransiiska kulan ay ka soo muuqan doonaan xiddigo qaali ah.

Lothar Matthaus rugcadaagii hore ee Jarmalka ayaa sheegay in Ronaldo uu caawa kulankan u ciyaarayo inuu caalamka tusiyo inuu ka laacibsan yahay xiddiga lagu iibsaday lacagaha ugu badan kubbada cagta ee Neymar.

“Shaki kuma jiro in Real Madrid iyo PSG ay ku tiirsan yihiin xiddigahooda Cristiano Ronaldo iyo Neymar,” Matthaus ayaa sidaa u sheegay The Sun.

“Labadooduba waxay doonayaan inay caddeeyaan in midba uu midka kale ka laacisan yahay.

“Ronaldo wuxuu muujiyay kal ciyaareedkii tagay sida uu koobkan ugu guuleysan karo.

“Bayern Munich ayuu Shan ka xareeyay, Saddexleey ayuu ka muday Atletico Madrid isagoona labo gool ka dhaliyay Juventus ciyaartii Final ka.

“Ronaldo Cajiib ayuu ahaa. Wuxuu Real Madrid kula guuleystay Champions League balse iminka heerkaas ma joogo.

“Neymar waxaa lagu iibsaday lacago badan taa oo ka careysiineysa Ronaldo. Dhabtii ma jecla inuu ka dambeeyo wiilka reer Brazil wuxuuna doonayaa inuu caawa bixiyo Bandhig oranaya “Anigaa ugu fiican waana muujiyay midaa’.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close