Petr Cech oo xalay ka caawiyey bulusyoonkii uu Eriksen ka dhaliyey Buffon!

(London) 14 Feb 2018. Goolhayaha Arsenal Petr Cech waxa uu si dadban door ugu lahaa goolkii bar bar dhaca ee Tottenham kulankii xiisaha badnaa ee ay Champions League-ga la dheelen Juventus.

Spurs laba gool ayuu lagu lahaa daqiiqaddii 9-aad laakiin waxa ay ku hawaab celiyeen mid uu dhaliyey Harry kane, balse waxaa ciyaarta garbo siman ka dhigay Christian Eriksen oo Gianluigi Buffon daba mariyey darbo xor ah oo cajiib ahayd.

Hase ahaatee, Eriksen go’aankiisii ahaa in uu darbo ku tuuro dhinaca uu taagnaa Buffon waxaa si weyn u saameeyey bad baadin uu Cech sameeyey kulankii North London Derby markaas uu uu Dane-ka doortay geeska fog, figta kore ee geeska ka dhigo.

Eriksen waxa uu sida uu u fekeray u sharraxay Website-ka rasmiga ah ee Spurs kulanka kaddib: ‘Mid ayaan ku helay Cech  toddobaadkan markaas oo ay ahayd in aan beegsado halkii uu goolhayaha joogay wuuna aqriyey.

Nasiib wanaag maanta dhinaca kale ayuu aaday. ‘Laakiin dareen ayaa igu jiray, waxaan arkay darbiga oo dhaqaaqay, waxaana arkay Buffon oo tallaabo durkay, nasiib wanaag waxaan bedelay maskaxdeyda waxaana doortay geeska kale weyn agashay.’

Goolwalaha iyo kabtanka Tottenham Hugo Lloris waxa uu darsay in Eriksen bedekay geeska isaga oo ka shidaal qaatay bad baadintii cajiibka ahayd ee Cech kulankii Wembley dhawr maalmood kahor.

‘Wuu ku sigtay in uu ka dhaliyo Arsenal, laakiin Cech ayaa bad baado cajiib ah sameeyey.  Laakiin waxa uu uga mahadcelinayaa darbadan xorta ah ee uu ku bedelay geeska waxa uuna u tuuray docdii goolhayaha weyna shaqeysay maanta!’

 

 

 

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close