MUUQAAL: Ronaldo oo Baashaal ku jira ka hor kulanka caawa ee PSG…(Waa maxay ciyaarta uu ciyaarayo??)

(Madrid) 14 Feb 2018. Real Madrid ayaa caawa Bernabeu ku soo dhaweynaysa PSG lugta hore ee wareega 16-ka Champions League kulan ay wada sugayaan dadka ciyaaraha xiiseeya.

Cristiano Ronaldo oo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa dib u helay kulamadii dhawaa ayaa baashaal ku soo dhaweeyay kulanka caawa.

Laacibka reer Portugal ayaa Baraha Bulshada soo dhigay Muuqaal isagoo koob ku ridaya kubbado Yar Yar ciyaar uu ku sheegay inuu aad u jecel yahay.

Muuqaal uu Twitterka soo dhigay ayuu Ronaldo soo raaciyay qoraal u dhacayay: “Waan Jeclahay ciyaartan.”.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close