Marcus Rashford oo tartan ka baxsan kubadda cagta la galay Alexis Sanchez

(Manchester) 14 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa tartan la galay laacibka ku cusub kooxda ee Alexis Sanchez.

Marcus Rashford ayaa soo iibsaday Eey kaas oo uu u bixiyay magaca Saint Rashford, laakiin sheekada xiisaha leh ayaa ah inuu u xiray funaanada Manchester United.

20 jirkaan ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka Eeygiisa oo xiran funaanada kooxda Manchester United, arinkaan ayaa yimid xili laacib caan ku ah dhanka Eeyaha ay soo iibsatay United suuqii Janaayo.

Related image

Alexis Sanchez ayaa leh laba Eey kuwaas oo caan ka ah adduunka, markii uu ku biiray kooxda Manchester United ayuu bartiisa Instagram-ka soo dhigay labadiisa Eey oo xiran funaanada Manchester.

Marcus Rashford ayaana iska bareejeeyay laacibka reer Chile kadib markii uu soo iibsaday Eey cusub isla markaana uu ku soo daray taageerayaasha Manchester United.

Image result for Dogs Sanchez

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close