“Iska jira weerar kooda” – Tababaraha Watford oo Barcelona uga digay qatarta weerarka Chelsea

(Barcelona) 14 Feb 2018 Tababaraha kooxda Watford ee Javi Gracia ayaa Barcelona digniin u diray ka hor kulanka ay isbuuca dambe booqan doonaan kooxda Chelsea.

Javi Gracia ayaa sheegay in Blues ay tahay koox dhan walba ka dhamaystiran gaar ahaan difaaca iyo weerarka, wuxuuna u sheegay tababare Valverde inuusan xooga saarin kaliya sidii uu u weerari lahaa balse laga doonayo inuu ka foojignaado qatarta weerarkooda.

Wuxuu intaa ku daray in Chelsea ay haysato weerar ka kooban Morata iyo Giroud oo uu sheegay haddii ay wada ciyaaraan inay qatar badan ku abuuri karaan kooxdii ay wajahaan.

Image result for Javi Gracia vs Chelsea

“Kulankooda Barcelona wuxuu ahaan doonaa kulan ka duwan kii ay nala ciyaareen (Guul daradii 4-1), kulankeenii ma aysan ciyaarsiin Giroud iyo Morata balse waxay ciyaarsiiyeen Willian iyo Hazard” ayuu yiri tababaraha kooxda Watford oo la hadlay wargayska Sport.

“Chelsea waa koox xoogan difaac ahaan, qaab ciyaareed lawada garanayo ayeey leedahay, laakiin ma garanayo qorshaha ay kala hortagayaan Barcelona” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close