Gennaro Gattuso oo qorshe cajiib ah u degaya ciyaarta habeen dambe!

(Milano) 14 Feb 2018 – Waxaa lasoo werinayaa in macallin Gennaro Gattuso uu dejiyay qorshe uu ku wajahayo ciyaarta ay AC Milan berri la leedahay Ludogorets, si uu lugta horaba iskugu dayo inuu soo boxo.

Kooxda Rossoneri ayaa la kulmaysa kooxda reer Bulgarian oo ay la ciyaarayso wareegga 32-ka ee Europa League, waxayna tartankan u aragtaa mid muhim ah.

Kooxda Milan ayaa cayrsanaysa usoo bixitaanka Champions League, balse waloow ay haatan kasoo raynayso dhanka Serie A, misna hanashada Europa League ayaa noqonaysa mid iska hadafkaa u saamixi karta.

Sidaa darteed, Tuttosport aya werinaya in Gattuso uu berritoole soo xuli doono safka ugu muhiimsan, si uu natiijo wanaagsan uga soo helo Bulgaria.

Taasi waxay markaa u sahlaysaa inuu lugta 2-aad laacibiinta nasiyo, si uu u wajoho AS Roma iyo lugta 2-aad ee nus-dhamaadka Coppa Italia oo uu isla magaalada Roma kula leeyahay SS Lazio.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close