Gabdhaha kooxda  Heegan oo ku guuleystay horyaalka kubadda gacanta Soomaaliya+SAWIRRO

(Muqdisho) 14 Feb 2018. Kooxda kubadda gacanta Heegan ayaa  hanatay horyaalka gabdhaha oo si xiiso leh ugu soconayay garoonka Wiish.

Gabdhaha kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hanashada horyaalka xaqiijiyay kullankii Horseed ee toddobaadkii aynu soo dhaafnay,waxaana maanta la guddoonsiiyay koob aad u qurux badan iyo abaal marino kala duwan.

Heegan ayaa la siiyay koobka kaalinta koowaad, halka Horseed iyana la siiyay koobkii kaalinta labaad,waxaana saddexaad galay kooxda Gift Star.

Gabadha  lambarka  10’aad ee Xakiimo Cusmaan ayaa ku guuleysatay gool dhalinta horyaalka markii ay dhalisay 59 gool ciyaaraha kubadda gacanta.

Sikastaba  jimcaha ina soo aadan ayaa dhanka kale la soo gaba gabayn doonaa horyaalka kubadda gacanta wiilasha oo ay Finalka wada ciyaari doonaan Heegan iyo Horseed.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close