Xiddigii uu Madaxa ka jabiyay Gary Cahill oo ciyaaraha isaga fariistay isagoo 26-jir ah!!!

(England) 13 Feb 2018. Xiddiga reer England Ryan Mason ayaa lagu qasbay inuu isaga fariisto ciyaaraha isagoo 26-jir ah uun kaddib markii uu dhaawac daran ka soo gaaray kulan uu kaga horyimid Chelsea.

Xiddiga qadka dhexe ee Hull City ayaa 22 kii Janaayo ee 2017 ka jabay lafta madaxa ku dahaaran kaddib markii ay madaxa isku dhufsadeen Gary Cahill waxaana isla markiiba loola cararay isbital si loogu sameeyo qaliin lagu bad baadinayo.

Dakhaatiirta ugu sarreysa ee qalliinka Maskaxda ayaa kula taliyay 26 jirka inuu kabaha laalo haddii uu caafimaadkiisa ka fikirayo.

 Ryan Mason fractured his skull in January 2017 after clashing heads with Gary Cahill

Inkastoo laacibkii hore ee Tottenham Ryan Mason uu dadaal xoogan u galay sidii uu dib ugu soo laaban lahaa garoomada misane wuxuu iminka qiray inuusan lahayn Dooq kale oo aan ka ahayn inuu ciyaaraha isaga fariisto.

Mason ayaa bishii December loo dhalay canugiisii ugu horreeyay oo loo bixiyay George.

Aqbaartan naxdinta leh ayaa waxaa markii ugu horreysa saakay xaqiijisay naadiga Hull City oo warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xiddigeedii qadka dhexe uu ka fariistay ciyaaraha sababo caafimaad.

 Ryan Mason was rushed to hospital for emergency surgery on his skull

 Ryan Mason has battled valiantly to get back on to the pitch and visited the world's top surgeons

 Ryan Mason posted this snap along with his newborn son George in December

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close