Sturridge oo HAL mar uun kubbada taabtay ka hor inta aan la badeli ciyaartii xalay ee Chelsea

(London) 13 Feb 2018. Daniel Sturridge iyo dhaawac maxaa kala heysta?.

Laacibkii hore ee Chelsea balse iminka amaahda ugu jooga West Brom kaddib markii uu ka soo tagay Liverpool ayaa garoonka laga saaray xalay isagoo hal mar uun kubbada taabtay ciyaartii ay Blues 3-0 ku suul daartay West Bromwich.

Dhaliyaha reer England ayaa saddex daqiiqo uun ku jiray garoonka, kubbadiisii ugu horreysay uu taabto ayaa dhaawac ka soo gaaray sidaa ayaana garoonka looga saaray.

Daafaca birta ah ee Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa raacanayay Sturridge markii uu taabanayay kubbada qura uu garoonka ku lahaa intaan dhaawac lagu saarin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close