SAWIRRO: Xiddigaha leh Doomaha Raaxada ee ugu qaalisan….(Messi oo Boorka ku reebay, Ronaldo, Beckham, Rooney iyo..)

(Europe) 13 Feb 2018. Marka la fiiriyo Mushaarka ay usbuuciiba jeebka ku shubtaan xiddigaha waa wayn ee Yurub la yaab ma noqoneyso inay Malaayiin ku qarash gareeyaan baabuurta, dayuuradaha gaarka ah iyo waliba doomaha raaxada.

Haddaba haddii Messi maaro loogu heli la’yahay kubbada cagta oo ay dadka qaar ku sheegaan inuuba yahay kii ugu fiicnaa abid ayaa misane hogaaminaya Liiska xiddigaha leh Doomaha raaxada ee ugu qaalisan.

Aqriso 5-ta Laacib ee leh Doomaha Raaxada ee ugu qaalisan Kubbada Cagta:

5. Wayne Rooney

 The Pershing 90 has detachable jet skis

 Wayne Rooney uses the Pershing 90 yacht worth £3m

Nuuca Doontiisa waxaa lagu magacaabaa Pershing 90.

Qiimaha ay ku fadhiso waa: 3-milyan oo bound

Waxay leedahay 5-qol oo Jiif iyo 5-qol oo Qubeys waxayna marti galineysaa Sideed Ruux.

4. David Beckham

 David Beckham could get more use out of the Horizon E88 now he's going to be in Miami

 David Beckham's boat of choice is worth a stunning £3.8m

Nuuca Doontiisa waa Horizon E88

Qiimaha ay ku fadhiso waa: 3.8 milyan oo bound

Waxay leedahay afar Qol oo Jiif sidoo kale labo qol oo kale.

3. Sergio Ramos

 Sergio Ramos takes a jet ski out that's featured as part of the package on the boat

 Sergio Ramos uses this Fairline Squadron 78

Nuuca Doonidiisu waa Fairline Squadron 78

Qiimaha ay ku kaceyso waa 4.8 milyan oo bound

Wuxuu soo iibsaday maalmo yar ka hor inta uusan ciyaarin Finalkii Champions league ee 2017.

Saaxiibadiisa Real Madrid Luca Modric iyo Lucas Vazquez ayaa xitaa kula baashaalay doonida ka hor kulankooda Final ka mar ay ku raaxeysanayeen Ibiza.

2. Cristiano Ronaldo

 Cristiano Ronaldo soaks up the sun on board the Ascari super yacht

 Cristiano Ronaldo enjoys the Palmer Johnson Ascari which is worth £7.5m

Nuuca Doonidiisu waa Palmer Johnson Ascari

Qiimaha ay ku fadhiso waa: 7.5 milyan oo bound.

Doonidan sagaalka qof marti galin karta ayaa waxay Leedahay Qol VIP uu Ronaldo ka dego markuu doonida ku safrayo ama ku baashaalayo.

1. Lionel Messi

 Lionel Messi has a tender, a wave runner and two kayaks at his disposal on board the Seven C yacht

 Lionel Messi loves the Maiora Seven C worth £10m

Nuuca Doonidiisu waa Maiora Seven C

Qiimaha ay ku fadhiso waa: 10 milyan oo bound.

Messi ayaa aad u jecel dhul xeebeedka Ibiza isagoona badenaa ugu safrka doonidiisa Maiora Seven C.

Doonida xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale leh qof VIP oo isagu ku raaxeysto iyadoona leh adeegyo kale oo badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close