Lacazette oo muddo ka maqnaanaya Arsenal kadib qaliin dag dag ah oo lagu sameeyay laacibka

(London) 13 Feb 2018 Arsenal ayaa heshay war lama filaan ah kaas oo ah in weerar yahankeeda Alexandre Lacazette uu garoomada ka maqnaanayo muddo dheer.

Gunners ayaa xaqiijisay in Alexandre Lacazette saaka qaliin dag dag ah looga sameeyay dhanka jilibka lugta bidix, kadib dhibaato muddo uu laacibku ka qabay jilibkaas.

Kooxda ayaa sheegtay in Alexandre Lacazette uu garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexeysa 6 ilaa 4 isbuuc si uu u soo kabsado.

Image result for Lacazette

Arsenal ayaa sheegtay in qaliinku uu ahaa mid yar kaas oo si guul leh ku soo dhamaaday, warkaan ayaa ah mid aan u wanaagsanayn tababare Wenger.

Tababaraha reer France ayaa doonayay inuu ciyaarsiiyo laacibkiisa kulamada Europa League maadama Aubameyang uusan ciyaari karin koobkaas, taas oo haatan ka dhigaysa inuu weerar u haysto kaliya Welbeck.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close