DEG DEG: Banaadir oo Nus Darsan Goolal ah uga adkaatay Elman Somalia Premier League

(Muqdisho) 13 Feb 2018. Banaadir ayaa si xun u silcisay Elman oo ay kaga adkaatay 6-2.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineyso Benaadir.

No automatic alt text available.

Penteke ayaa goolka koowaad ugu daah furay oo waxaana goolka labaad raacsaday Xasan Saantoos.

Waxaa soo laabtay Penteke oo dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii saddexaad ee Benaadir.

Cusbo ayaa goolka afaraad u dhaliyay Banaadir ka hor inta aysan Elman helin goolkeedii koowaad waxaana u saxiixay Maxamed Nuur Cusmaan.

Xiddiga ajnabiga ah ee ku raagay Banaadir ee Marcelo ayaa dhaliyay goolka Shanaad.

Maxamed Nuur Cusmaan ayaa markale tagay shabaqa isagoona dhaliyay goolka labaad ee Elman.

Xasan Santos ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo kii 6-aad ee Banaadir.

Banaadir ayaa guusha ay gaartay uga dhigan inay iminka leedahay 7-dhibcood.

No automatic alt text available.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close