Banaadir Vs Elman: Kullanka Caasimadda oo galabta ka dhici doona Koonis

(Muqdisho) 13 Feb 2018. Kooxda Elman  ayaa dooneysa in ay ku soo laabato wadada guusha iyadoo kullan xiiso badan galabta la ciyaari doonta Banaadir.

Kulankan dhex mara labada kooxood ee Elman iyo Banaadir ayaa Gool FM ugu magac dartay kulanka Caasimadda, sababtuna waa in labada kooxood ay yihiin kuwa sanadihii dambe ugu awoodda roonaa Soomaaliya.

Banaadir ayaa dib u heleysa adeega weeraryahankeda Deeq Aariyo kaa soo seegay kullankii Waxool,balse wali waxaa ka maqan daafaca midig ee Konton.

Haddii ay galabta adkaato kooxda Banaadir SC waxa ay ku dhibco noqon doontaa kooxda Horseed oo kaalinta labaad ugu jirta kala sarreynta horyaalka Soomaaliya,halka Elman ay gali doonto kaalinta saddexaad.

xili ciyaardkii la soo dhaafay labada kooxood ayaa kaalmaha saddexaad iyo labaad ku dhameystay horyaalkii ay qaaday kooxda Dekedda.

Inta badan  kulankaan ayaa ah mid lagu bixiyo kaarka gadduudan  madaama kulankii ugu dambeeyay  ee xili ciyaaredkii la soo dhaafay laba roose  la siiyay ciyaaryahano oo ka tirsan Banadir iyo Elman.

Kooxda Elman waxaa ka maqan Mayman,Niije iyo daafaca lagu magacaabo Habareey, waxaana dib ugu soo laabanaya Lii Young iyo Maxamed Martial.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close