Taageere Arsenal oo gubay funaanada Alexandre Lacazette +SAWIRRO

(London) 12 Feb 2018 Mid kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa gubay funaanada weerar yahanka reer France ee Alexandre Lacazette.

Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa ka caraysan qaab ciyaareedka liita ee uu soo bandhigayo laacib kooxdu ay ku soo iibsatay lacag ku dhaw 50 milyan oo Ginni.

Alexandre Lacazette ayaa ka khasaariyay Arsenal laba fursadood oo kooxdu ay ku barbarayn kartay Tottenham kulankii sabtiga.

Weerar yahanka reer France ayaa kooxda u ciyaaray 24 kulan oo horyaalka ingiriiska ah xiliciyaareed kaan, wuxuuna dhaliyay 9-gool oo kaliya.

Qaab ciyaareedka liita ee Alexandre Lacazette ayaa keentay in mid kamid ah taageerayaasha Arsenal uu caro darteed u gubo funaanadiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close