Sidee loo kala sarreeyaa gool dhalinta horyaalka Somalia Premier League ???

(Muqdisho) 12 Feb 2018–Waxaa la ciyaaray kullamadii saddexaad horyaalka Somalia Premier League,iyadoo ay ka soo baxeyn natiijooyin kala duwan.

Xiddigaha u kala ciyaara kooxaha Elman iyo Heegan ee Kala ah Anwar iyo Nyanzi ayaa si wada jir ah u hor kacaya gool dhallinta horyaalka markii ay shabaqa soo taabsiiyeen min afar gool,halka Xasan Xasaasi uu isna leeyahay saddex gool.

Dhowr   ciyaaryahan ayaa wada dhaliyay min hal gool,halka xiddigo kale oo weerarka ka xariiftma wali aysan gaarin  shabaqa.

Banaadir iyo Horseed ayaa dhib la’aan ku badiyay iyadoo kooxaha Elman iyo Heegan aysan guul gaarin kullamadii saddexaad horyaalka.

Magaca xiddiga  Kooxda Tirada Goolasha
Nyanzi Ronaldo Heegan 4
Anwar Elman 4
Xasaasi Horseed 3
Benteke Banaadir SC 2
Mahad Yare Heegan 1
Dirrey Horseed 1
Xusni Dekedda 1
Qays Banaadir SC 1
C/nuur Benteke Madbacada 1
Cali Waarikoow Jeenyo 1
Bile Gaadiidka 1
Marcel Banaadir SC 1
Qaliif Banaadir SC 1
Cabaas Dekedda 1
Bahdoon Elman 1
Axmed Lampard Waxool 1
Aggoogo Jeenyo 1
Reymond. Dekedda 1
Frank Wananda. Horseed 1

W/D:Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close