Sharikadda PUMA oo ku dhufatay faa’iidadii ugu badnayd abid + Sawirro

(Herzogenaurach) 12 Feb 2018 – Sharikadda PUMA ee aadka u koreeysa ayaa maanta kooxaha ay qalabayso kusoo dartay AC Milan, balse sida ay werinayso Calcio e Finanza, sharikaddan ayaa mareeysa heerkeedii ugu wanaagsanaa dhaqaale ahaan.

Puma, oo sidoo kale sponsor-gareeysa xulka Talyaaniga ayaa sanadkii dhamaatay ee 2017 ku dhufatay faa’iidoo rikoodh jebis ah oo ka badan 4 bilyan oo euro ama haddii sida saxda ah loo yiraahdo 4 bilyan, 3 boqol oo milyan iyo 66 kun oo euro, taasoo ka dhigan koritaan dhan 15.9%.

Faa’iidada saafiga ah ayaa iyaduna laba jibaar korortay iyadoo gaartey 136 milyan oo euro marka loo eego 62 milyan oo ay ahayd 2016.

Björn Gulden, oo ah agaasimaha guud ee Puma, ayaa isagoo guushan uga warramaya Calcio e Finanza sidatan ku faanay: “2017 wuxuu noo ahaa sanad u fiican Puma, waxaannu kornay 16%, waxaana iibinney agab ku kacay in ka badan 4 bilyan oo euro markii ugu horreeysey taariikhda, taasoo ah horumar aan dhan kasta ka sameeynay“.

Puma ayaa sidoo kale sanadkii hore jaal la noqotay kooxda Arsenal ee dalkaasi Ingiriiska, iyadoo sida muuqata kusii fidaysa dhanka kooxaha waawayn ee qaaradda Yurub oo ay inta badan kala haystaan Adidas iyo Nike.

PUMA SE / Headquarters in Herzogenaurach in Lichterstimmung
Foto: RALF ROEDEL / Puma
Veroeffentlichung nur nach vorheriger Vereinbarung!

Spatenstich Erweiterungsbau „PUMA in Herzogenaurach;
v.l. Lothar Matthäus, Nadine Keßler, CEO Bjørn Gulden
Foto: (c) RALF RÖDEL / Puma

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close