Martial oo kulan aayo ka talis ah la leh Mourinho [The Sun]

(London) 12 Feb 2018. Anthony Martial waxa uu ka arinsanayaa mustaqbalkiisa Manchester United kaddib imansihii Alexis Sanchez isaga oo kulan la qaadan doona Jose Mourinho – sidaas waxaa qaba warar hoose.

France-siiska waxa uu lumiyey booskiisii garabka tan iyo markii uu Sanchez uga soo biiray United kooxda Arsenal.

Martial keydka ayaa la dhigay kulankii Tottenham halka uu saddex fursad cunay ciyaarti axadda ee Newcastle.

The Sun waxa ay qortay in 22 jirka miisaamayo mustaqbalkiisa United waxaana isha ku haya Paris Saint-Germain iyo Arsenal.

Hase ahaatee, Jose Mourinho waxa uu daneenayaa in uu xiddigga haysto isaga oo qiray in uu qorshihiisa ku jiro.

“Tababaraha waxa uu diyaar u yahay in uu la fariisto Anthony oo uu xaliyo niyaddiisa,” sidaas waxaa ay The Sun ka soo xigatay ilo ku dhaw United.

“Booskiisa cabsi ayaa ku jirta waxaana haya wal wal.

“Waxa uu sugayaa waxa dhici doona.

“Jose wali aaminaad badan ayuu ku qabaa hibadiisa aad ayuuna u qiimeeyaa.

“Jose waxa uu dareensan yahay in uu door weyn ku yeelan doono ol’oleyaasha soo socda.

“Aad ayuu u taageeraa ciyaaryahanka.”

11 gool ayuu 35 kulan dhammaan tartamada ugu dhaliyey Martail kooxda United xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close