HORDHAC: Chelsea vs West Bromwich Albion

(England) 12 Feb 2018. Chelsea ayaa Stamford Bridge ku marti galineysa kooxda ugu hooseysa Premier League kal ciyaareedkan iyadoona maanka ku heysa inay ka soo kabato guul darooyinkii dhawaa.

Wararka Labada dhinac:

Tiemoue Bakayoko ayaa ganaax uga maqnaan doona Chelsea kaddib kaarkii casaa uu qaatay kulankii Watford.

Olivier Giroud ayaa lagu soo bilaabi karaa kulankiisii ugu horreeyay ee Chelsea halka la qiimeyn doono xaalada Andreas Christensen oo dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii dhawaa.

Alvaro Morata ayaa isagu ku maqnaan doona dhaawac dhabarka ah.

West Bromwich ayaa heli karta weeraryahankeeda Jay Rodriguez iyadoo ay jirto in xiriirka FA uu ku soo oogay dacwad kaddib markii ay isku dheceen Gaetan Bong.

Jonny Evans (Dhabarka), Kieran Gibbs (Muruqa), Grzegorz Krychowiak (Lugta) ayaa dhammaan la heli karaa kaddib markii ay dhaawacyada ka soo kabteen, laakiin Jake Livermore (Muruqa) James Morrison (Feesha) and Nacer Chadli (Misigta) ayaa wada seegi doona kulanka.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Chelsea vs West Bromwich (Premier League)

Goobta: Stamford Bridge

Goorta: 11:00 Habeenimo

Garsoorka: Lee Mason (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Chelsea ayaa guul gaartay dhammaan saddexdii kulan ay la ciyaartay West Brom intii uu xilka u hayay Antonio Conte iyadoon xitaa hal gool laga dhalin.

West Bromwich uguma aysan adkaan Chelsea gegadeeda Stamford Bridge 16-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada (13-guul darro iyo 3-bar baro).

Safafka Macquulka ah ee Chelsea vs Stamford Bridge:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close