DEG DEG: Dekadda oo Ja-jabsatay Jeenyo…(Feysal oo 2-gool ka xareeyay kooxdiisii hore isla markaana diiday inuu ku dabaal dego)

(Muqdisho) 12 Feb 2018. Naadiga xafidanaya horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya ee Dekadda ayaa 2-0 ku suul daartay dhigeeda Jeenyo.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

No automatic alt text available.

Balse markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta dhaliyihii hore ee Jeenyo Feysal ayaa labo gool oo xarago leh ka muday naadigiisii hore.

Feysal ayaa diiday inuu ku dabaal dego kooxdii uu ku soo baxay maadaama uu xushmad wayn  u hayo.

Guusha ayaa Dekadda uga dhigan inay hogaanka ku heyso iminka 10-dhibcood.

Sawirrada ciyaarta dib ayaan idin kaga soo gudbin doonnaa insha’alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close