Cristiano Ronaldo oo ku guulaystay markii 5-aad abaal marinta Goal50 iyo laacibka oo ka hadlay

(Madrid) 12 Feb 2018 Laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay markii 5-aad abaal marinta ay bixiso Goal ee loo yaqaano Goal50.

Shabakada Goal ayaa bixisa abaal marintaan oo ay siiso sanad walba laacibka ugu fiican adduunka, Ronaldo ayeeyna u aqoonsatay xiddigii ugu fiicnaa adduunka xiliciyaareedkii hore ee 2016/2017.

Ronaldo ayaa sheegay inuu si wayn ugu faraxsanyahay inuu ku guulaysto abaal marintaan markale, wuxuuna u mahadceliyay dhamaan intii u codeysay.

Image result for Ronaldo Goal 50 2017

Cristiano oo ka hadlay abaal marinta Goal50 oo uu ku guulaystay markii 5-aad ayaa yiri:

“Waxaa farxad ii ah inaan makale helo abaal marintaan, waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dhamaan intii ii codaysay, waxaana ugu horeeya asxaabteyda kooxda iyo shaqaalaha Real Madrid kuwaas oo la’aantood aysan ii suurogali lahayn inaan ku guulaysto”.

“Marwalba waxaan tilaab u qaadaa sidii aan ugu jiri lahaa heer wanaagsan, mararka qaar wax walba ma noqdaan sida aan jecelnahay”.

“Laakiin tijaabada ayaa i bartay inay waajib nagu tahay inaan wadno shaqada dhabta ah si aan u gaarno hadafkeena”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close