Arturo Vidal oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Chelsea iyo Man United

(Munich) 12 Feb 2018 Xiddiga reer Chile ayaa lala xiriiriyay kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo ku dagaalami doona saxiixiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Balse laacibka ayaa meesha ka saaray wararkaas, wuxuuna cadeeyay inuu doonayo inuu sii joogo kooxdiisa Bayern Munich.

Arturo Vidal ayaa sheegay inuu doonayo inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa, wuxuuna intaa ku daray in ilmihiisu ay ku faraxsanyihiin magaalada Munich.

Image result for Vidal Chelsea Man United

“Sabab uun ayaan ugu ciyaaraa Bayern Munich, shakina kuma jiro inaan ahay mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka marka laga hadlo booska aan ka ciyaaro” ayuu yiri Arturo Vidal.

“Kuma fikirayo inaan ka tago Bayern Munich, daganaan ayaan ku haystaa halkaan, dhab ahaan waxaan doonayaa inaan heshiis cusub u saxiixo kooxdeyda, caruurteydu in badan ayeey ku faraxsanyihiin halkaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close