“Way adagtahay in la celiyo Neymar” – Dani Carvajal oo baqdin ka muujiyay xiddiga PSG

(Madrid) 11 Feb 2018 Daafaca kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa cabsi ka muujiyay laacibka garabka weerarka uga ciyaara PSG ee Neymar.

Labada kooxood ayaa ku balansan arbacada lugta hore ee wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub, markaas oo Real Madrid ay marti qaadi doonto PSG.

Dani Carvajal ayaa ganaax dhanka UEFA ah ku seegaya kulanka arbacada, balse wuxuu rumaysanyahay inay adagtahay in la celiyo Neymar.

Image result for Carvajal Neymar

“Ma garanayo qofka ciyaaraya booskeyga Nacho iyo Achraf, go’aankaas waa mid ku jira gacanta tababaraha” ayuu yiri Dani Carvajal.

“Ma jirto wado lagu celin karo Neymar, waxaan rajaynayaa oo kaliya inaysan noqon maalintiisa, taas ayaan rajaynayaa arbacada”.

“Ma jirto koox u dhaw guusha, kulamadaan oo kale waxyaabo yar yar ayaa go’aamiya guusha, waxaan isku dayi doonaa in aanaan samayn qaladaad, waana inaan soo bandhignaa heerkeena ugu fiican intii macquul ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close