Mohamed Salah oo barbareeyay rikoor muddo u yaalay Robbie Fowler

(Liverpool) 11 Feb 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa soo barbareeyay Rikoor muddo u yaalay halyeeygii hore ee Reds Robbie Fowler.

Mohamed Salah ayaa caawa gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool, xili 2-0 ay uga adkaatay Southampton oo ay marti u ahayd.

Weerar yahanka reer Masar ayaa soo barbareeyay rikoor muddo dheer u yaalay weerar yahankii hore ee Liverpool ee Robbie Fowler kaas oo uu sameeyay xiliciyaareedkii 1994/1995.

Robbie Fowler ayaa xiliciyaareed kaas lugta bidix ku dhaliyay 19-gool horyaalka ingiriiska, Mohamed Salah ayaana soo barbareeyay caawa kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 19-aad ee xiliciyaareed kaan uu ku dhaliyo lugta bidix Premier League.

Salah ayaa kor u sii qaaday gool dhalintiisa horyaalka ingiriiska, wuxuuna hal gool u jirsaday Harry Kane oo hogaanka ku haaya 23-gool, halka isagu uu leeyahay 22-gool.

Mohamed ayaa jabin kara rikoorka Robbie Fowler kulamada soo socda, maadama 11-kulan ay ka harsantahay horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close