DAAWO: Alexis Sanchez oo dhalin waayay gool shabaqa oo Haawanaya

(Newcastle) 11 Feb 2018 Weerar yahanka ku cusub kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa niyad jabiyay taageerayaasha kooxdiisa.

Laacibka reer Chile ayaa khasaariyay gool cajiib ahaa oo uu dhalin karay daqiiqadii 56-aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta, markaas oo United ay qaban kartay hogaanka.

Alexis Sanchez ayaa soo dhaafay hal mar daafac iyo goolhayaha Newcastle United, wuxuuna kor yimid shabaqa oo banaan balse laadkii uu ridi lahaa ayuu ka laabtay taas oo keentay in daafac uu isku dhigo kubadda oo markaas banaanka u baxday.

Taageerayaasha kooxda United ayeey lama filaan ku noqotay in kooxdu aysan qaban hogaanka, balse iyaga ayaa looga adkaaday 1-0.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close