Cristiano Ronaldo oo xalay ku kacay Taageerayaasha Real Madrid….(Maxaa ka careysiiyay?)+SAWIRRO

(Spain) 11 Feb 2018. ‘War haku oorinina ee u Sacbo tuma.’, Cristiano Ronaldo ayaa xalay si kal iyo laab ah u garab istaagay saaxiibkii Benzema kulankii ay 5-2 uga adkaadeen Real Sociedad.

Los Blancos ayaa dheesha ku horkaceysay 5-2 markii uu dhaliyaha reer France cunay gool sahlan dhammaadka ciyaarta, Taageerayaasha Bernabeu ayaana ku ooriyay.

Cristiano Ronaldo ayaa ka carooday falkii ay ku kaceen taageerayaasha kooxda isagoona ugu baaqay inay u sacbo tumaan halkii ay ku oorin lahaayeen.

Kaamirooyinka Movistar+ captured ayaa soo qabtay xiddiga reer Portugal oo faraha u haatinaya taageerayaasha ka hor inta uusan tilmaamin inay u sacbo tumaan Benzema isagoo ficil ahaan u tusay.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close