“Chelsea wey ka oohisay Leo Messi”, – Aqri Sanchez oo daaha ka rogay wixii kuu kula kulmay qolka labiska ee Barcelona!

(London) 11 Feb 2018. Alexis Sanchez waxa uu daaha ka rogay in Chelsea mar ay ka oohisay Lionel Messi.

Weeraryahanka Mancehster United mar ayuu qolka labiska la wadaagay Messi waqtigisii Camp Nou.

Wareysi ay la yeelatay Sky Sports ayuu Chile-yaanka ku sheegay sida xun ee uu guuldaradda ula tacaali jiray Messi.

“Wuu ooyi karay inta ciyaarta socota haddii aad luimiso fiinaale,” ayuu Sanchez yiri.

“Taasi waa qeyb ka mid ah kubadda cagta.

“Qolka lebiska ee Barcelona kaddib kula Chelsea ah, waxaan arkay Leo oo ooyaya. Taas waxaa sabab u ahayd in ciyaaryahanada aad wax badan nafsadooda ka dalbayeen. Dadka taas ma arkaan.”

Kulanka uu Sanchez ka hadlayey waa kii afar dhammaadka ee Champions league-ga 2012kii lugtiisii labaad ee Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close