Chelsea oo go’aan ka gaartay Antonio Conte (Goorma ayaa laga dirayaa kooxda?)

(London) 11 Feb 2018 Chelsea ayaa go’aan ka gaartay tababaraha reer talyaani ee Antonio Conte kaas oo ay is fahmi la’yihiin isaga iyo maamulka kooxdiisa.

Sida ay baahisay Telegraph, maamulka Chelsea ayaa doonaya in la burburiyo heshiiska Antonio Cone ee kooxda marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan.

Maamulka ayaan awoodin inay shaqada ka cayriyaan tababaraha reer talyaani waqtigaan, maadama uu xaq u yeelanayo in Chelsea ay siiso xuquuqdiisa oo dhamaystiran oo ah 26.7 milyan oo Ginni oo ah mushaarkii uu qaadan lahaa sanadaha uga haray heshiiskiisa.

Kooxda ayaa wadahadal la galaysa tababare Conte si ay ugu qanciso in is afgarad lagu dhameeyo howsha isla markaana uu ka tago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan isaga oo aan la cayrin.

Blues ayaana badalkiisa u diyaarisay tababarihii hore ee Barcelona ee Luis Enrique kaas oo haatan shaqo la’aan ah kadib markii uu ka tagay shaqada Barca dhamaadka xiliciyaareedkii hore.

Conte ayaa dib ugu laabanaya talyaaniga, waxaana jira warar sheegaya inuu laylin doono xulka qaranka Italy koobka adduunka kadib.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close