Patrick Cutrone oo kulankii Spal rikoodho badan jebiyey + Sawirro

(Ferrara) 10 Feb 2018 – Qannaas-yaraha AC Milan ee Patrick Cutrone ayaa kulankii galabta ka sameeyay rikoodho badan oo ugub ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu dhaliyey labaaleeydiisii ugu horreeysay horyaalka Serie A-da oo uu weli dhowaan gal yahay, isagoo dhaliyey goolkiisii 12-aad tartamada oo idil.

AC Milan oo ay bilowgii ka jajabnayd ayaa lafteedu dheeshey kulankii 6-aad oo xiriir ah oo ay kala timaaddo natiijo wax ku ool ah, taasoo aan dhicin tan iyo sanadkii 2016-kii.

Yeelkeede, haddii aan kusoo noqonno 20-jirka Cutrone marka laga soo tago labadii gool ee ugu horreeysey ee uu dhaliyey, wuxuu galabta ansixiyay goolkii ugu dhaqse badnaa ee ay fasal-ciyaareedkan oo idil dhaliso kooxda Milan, tan iyo 6-dii bishii Oktoobar 2013-kii, kaasoo uu dhaliyey Suley Cali Muntari.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close