Napoli oo maamuus u samaysay laacibka Muslimka ah ee Faouzi Ghoulam + Sawirro

(Napoli) 10 Feb 2018 – Kooxda SSC Napoli oo haatan la ciyaaraysa kooxda SS Lazio ayaa inta aysan ciyaartu bilaabanin waxay maamuus u samaysay daafaceeda Faouzi Ghoulam.

Laacibkan reer Aljeeriya oo horay dhaawac ugu maqnaa ayaa shalay markale dhaawacmay jeer uu soo Villa Stuart iyadoo uu qalliinkiisa ku guulaystey Prof. Mariani, isla markaana la muddeeyay in soo noqoshadiisa ay ku darsami doonto bil dheeraad ah.

Haddaba, laacibiinta Napoli oo dareemaya xanuunka saaxiibkood ayaa si gaar ah u maamuusay laacibka oo ay soo wada xirteen lambarka uu kooxdiisa u qaato ee 31-aad, inta aan la baasanin ciyaarta Napoli-Lazio.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close