Benzema ilko ma leh!

(Madrid) 10 Feb 2018. Laacibkii hore ee France, Jean-Pierre Papin , waxa uu sheegay in Karim Benzema uusan hadda ahayn HALIS.

Benzema 15 kulan oo uu saftay La Liga ololahan, kaliya laba gool ayuu dhaliyeyisaga oo 90-ka daqiiqo dhammeystay shan mar .

Papin waxa uu sheegay in dhibcaha badan ee ay Real Madrid ka dambeyso Barcelona ay tahay cawaaqib xumadii ay ka dhaxashay soo iibsasho la’aantii weeraryahan.

“Shaqsiyan, waxaan soo iibsan lahaa sagaal, laakiin taasi waa aragtideyda. Waxaan qabaa Madrid in u baahneyd xoojinta waxa ay haysato,” ayuu u sheegay AS.

“Tusaalaha ugu wanaagsan waa Benzema – goolal badan ayuu dhalin jiray laakiin hadda waxba kama imanayaan. Xittaa uma muuqdo halis, taas oo yaab leh.

“Laakiin ma jirto qof uga wacan Zinedine Zidane qiimeynta waxa kooxdiisu rabto. Wuu garanayaa kooxdiisa, kalsooni ayuu ku qabaa ciyaaryahanadiisa. Ma uusan qaldamin labadii olole ee la soo dhaafay markaa waa in aan aaminnaa. Aad ayaan u qadariyaa Zidane. Waxa uu sameyey waa wax wanaagsan.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close