Jack Wilshere oo qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal

(London) 09 Feb 2018 Jack Wilshere ayaa ku sii dhawaanaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa Arsenal ka hor dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Qandaraaska Jack Wilshere ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, tababare Wenger ayaana xaqiijiyay inay lagama maarmaan tahay in si dag dag ah xal looga gaaro heshiis kordhintiisa.

Sida ay baahisay Telegraph, Arsenal ayaa u soo bandhigtay Wilshere heshiis cusub oo lagu dhimayo mushaarkiisa haatan ee kooxda Arsenal.

Image result for Wenger Wilshere 2018

Wilshere ayaa haatan mushaar u hela isbuucii 110 kun oo Ginni, balse heshiiska cusub wuxuu ku qaadan doonaa 90 kun oo Ginni.

Sida lagu sheegay warbixinta, Wilshere ayaa heli kara lacag ka badan mushaarkiisa haatan ee 110 kun haddii uu iska ilaaliyo dhaawac isla markaana uu sifiican u ciyaaro markaas oo kooxdu ay u balan qaaday lacag dheeri ah oo dhiirogalin u ah isaga, waxayna qayb ka noqon doontaa heshiiskiisa cusub.

Qorshaha tababare Wenger ayaa haatan ah sidii uu heshiis cusub uga saxiixi lahaa Wilshere kadib markii uu ku guulaystay inuu heshiis cusub ka saxiixo Ozil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close