FIFA oo Koobka Adduunka ka Mamnuucday Ulaha lagu qaado ‘Selfie’

(World) 09 Feb 2018. FIFA ayaa taageerayaasha Koobka Adduunka ka Mamnuucday ulaha lagu qaado Sawirrada loo yaqaano ‘Selfie’.

Ulahaas ayaan la ogolaan doonin in lala galo garoomada Ruushka ee sanadan marti galin doona koobka adduunka iyadoo la isku dayayo in la yareeyo dhibaatooyinka ka dhaca ciyaaraha.

Waxaa ulaha loo isticmaalaa in lagu xiro taleefanada si la isaga qaado Sawir, balse FIFA ayaa qaba fikirka ah in Taageerayaasha ay Hub ahaan u isticmaali karaan haddii uu dagaal ka koco garoonka.

Sidoo kale waxaa garoomada Koobka adduunka ee sanadkan laga mamnuucay inay taageerayaasha soo qaataa Biraha lagu xiro Kaamirooyinka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close