Horseed Vs Betroolka: Cawa iyo Maalin oo galabta la wareegi karta hoggaanka horyaalka

(Europe) 08 Feb 2018-Horseed ayaa kullan aad u adag wajihi doonta kooxda magac ahaan  xifaaltanka uu kala dhaxeeyo ee Betroolka,waxaaana kullankaas uu ka tirsan yahay horyaalka Soomaaliya.

Waa kullankii afaraad  ciyaaraha saddexaad horyaalka, kaasoo isniinti  la amba qaaday.

Horseed ayaa bar baro la dhaafi weysay kooxda Madbacadda, ciyaartii ugu dambeysay horyaalka,halka Betroolka iyana 0-0 ay la soo gashay Jeenyo

Cawo iyo Maalin ayaa ku jirta kaalinta shanaad,iyadoo galabta haddii ay ku badiso wax ka badan hal gool ay qaban doonto hoggaanka horyaalka.

Betroolka ayaa raadineysa guushiidii koowaad ee horyaalka mahadaama ay bar baro soo gashay labadii ciyaar ay soo dheeshay

Horyaalka waxaa 7-dhibcood ku hoggaamineysaa Dekedda oo dhawaan dirqi uga badisay kooxda Elman.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close