Herrera oo maxkamad ka soo muuqan kara

(Madrid) 08 Feb 2018. Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ayaa loo sheegay in uu ka soo muuqan karo dacwad lagu dhageysano eedemo la xiriira ‘Kulan natiijadiisa la sii qorsheeyey’ oo uu ku lahaa bishii Maajo 2011.

Herrera waxa uu ka mid yahay 33 ciyaaryahan oo la filayo in dabayaaqada sanadka maxkamadda looga yeero waxaana ka ku jira Gabi oo u ciyaara Atletico Madrd.

Kiiskan oo kooxaha loo haysto yihiin Levante iyo Herrera kooxdiisii hore Real Zaragoza, ayaa la filayaa in uu socdo lix bilood.

Tababarihii hore ee Zaragoza, Javier Aguirre, agaasimaha ciyaaraha Antonio Prieto iyo milkiile Agapito Iglesias kuwaas oo dhammaan ka tagay kooxda ayaa loo yeeri doonaa.

Warbixino laga helayo Spain ayaa sheegaya 42 qofood in ay gali doonaan xabsi lix bilood ilaa iyo afar sano ah haddii dambiga lagu helo.

Herrera iyo Gabi midkoodna qalad laguma eedeyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close