”Ha aadin magaalo roob badan sida Manchester” – Wakiilka Jorginho

(Torino) 08 Feb 2018 – Wakiilka laacibka khadka dhexe ee Jorginho ayaa ku kaftamay inuu laacibkiisu iska diido dalabyada uga imanaya kooxaha magaalada Manchester maxaa yeelay ‘waa magaalo roob badan’.

Warar dhowaan soo baxayay ayaa sheegayay in isla wakiilka Jorginho uu wada hadal la yeeshay kooxda Manchester United oo raadinaysa biddaalka Micheal Carrick, iyadoo la fahamsan yahay in deriskeda City ay sidoo kale xiisaynayso xiddigan Napoli.

‘Manchester United iyo Manchester City? Marka aad u dheeleyso hoggaamiyayaasha Serie A waa maangal inay kooxo kusoo dalbadaan, waana ku faraxsan ahay inuu Napoli joogo, waayo cimiladeedu waa sida Brazil, balse Manchester markasta roob ayaa da’aya.” ayuu yiri wakiilku.

 

Jorginho ayaa fasalkan 3 gool dhaliyey, 3 kalena dhigay tartamada oo idil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close