Guardiola oo wajiga ugu bedelay Mahrez kaddib ficilkan uu sameeyey

(Manchester) 08 Fe 2018. Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay go’aansatay dalab cusub in aysan ka gudbin Riyad Mahrez xagaaga.

26 jirka ayaa City u noqday bartilmaameed bishii hore taas oo sabab u noqotay in uu codsi bixitaan gudbiyo balse isku daygoodii ma mira dhalin.

City waxa ay Algerian-ka ka gudbisay dalab dhan £60m waxaase ka diiday Dawacooyinka oo rabay £95m.

Tan iyo markaas, Mahrez kuma soo laaban Leicester iyada oo la sheegay in uu arintaas ku jahwareeray balse sida ay qabto The Mirror, City waxa ay go’aansatay in aysan u laaban.

Majaladda waxa ay sheegeysaa in Guardiola uu walaac ka muujiyey sida uu Mahrez dhacdada uga falceliyey haddana meelo kale ayuu diiraddiisa u weeciyey.

Mahrez waxa uu Leiceter ugu fadhiyaa £450,000 isaga oo uga yimi 2014kii kooxda reer France ee Le Havre.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close