Xiriirka kubadda cagta ee Spain oo cambaareeyey aflagaadadii lagula kacay qoyska Pique

(Catalonia) 07 Feb 2018. Xirfadleyaasha kubadda cagta ee La Liga (LFP) ayaa dacwad u gudbiyey gudiga xiriirka kubadda cagta ee Spain (RFEF) iyo gudiga ka hortagga dagaalka  ku saabsan dhacdadii la xiriirtay Gerard Pique ee kulankii Catalan Derby.

Haddallo ka dhan ah Pique ayaa si xiriir ah kulankaas loo maqlayey iyo boorar waxa ayna xoogeysteen markii ay Barcelona dhalisay goolkii bar bar dhaca daqiiqaddii 82-aad, waxa uu isku dayey in uu aamusiiyo taageereyaasha isaga gacanta u adeegsaday dabaal daggiisa.

Hadallo aflagaadooyin ah oo ka dhana, Barca, Pique, Shakira iyo wiilkiisa ayaa si baahsan looga maqlayey gegida, gaar ahaan markii labada gool ay dhasheen.

Gudiga waxa ay muujiyeen daafaca oo ku ardayey dhinca jamaahiirta isaga oo dabaal dagaya fartana ugu fiiqaya in ay aamuusaan.

Hase ahaatee, waxaa jira sawirro kale oo muujinaya in Pique qudhiisa uu erayo aflaggaado ah adeegsaday, arin uu beeniyey markii dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close