Waa sidee xiriirka ka dhexeeya Saalax iyo Mourinho?

(Liverpool) 07 Feb 2018. Maxamed Saalax waxa uu sheegay in uu wali la hadlo Jose Mourinho oo uu xiriir wanaagsan la leeyahay tababaraha Manchester United.

Masaariga waxa uu Stamford Bridge uga hoos dheelay Mourinho balse waxaa uu ku ciriiriyey fursadaha kooxda kowaad isaga oo amaah loogu diray Fiorentina kaddbna laga iibiyey Roma.

Saalax waxa uu xagaagii hore £36.9 million ugu soo biiray Liverpool isaga oo 28 gool ugu dhaliyey 34 kulan dhammaan tartamada kolkan.

Marka laga yimaado in waqtigiisii Chelsea xumaa, hadana Saalx collaad uma hayo Mourinho.

“Waxaan kula hadlay Chelsea markii kowaad ee aan Fiorentina amaahda uga soo laabtay,” ayuu Saalax u yiri.

“Sidoo kale waan wadahalnay kulankii Manchester United ee xilli ciyaareedkan waxaana leenahay xiriir wanaagsan. Wax badan ma wadahdal, laakiin caadi ayey ahayd.

“Saddex sano kahor wax badan ma ciyaari jirin, laakiin tan iyo markii aan ku soo laabtay England waxaan rabay in aan muujiyo waxa aan sameyn karo. Waxaan qabaa in aan wax wacan sameenayo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close