Sharikad Turkish ah oo 19 milyan oo euro sanadkii Barcelona ku siinaysa heshiis iidheh ah!

(Barcelona) 07 Feb 2018 – Sharikadda reer Turkey ee Beko ayaa la sheegayaa in ay 19 milyan oo euro ay sanadkiiba u qoondeeysay kooxda Barcelona taasoo ka dhigan 57 muddo 3 sanadood ah si loogu xayaysiiyo funaanadda Barca xilliga tababarka.

Sida uu faafinayo Mundo Deportivo, camaaliqada Turkish-ka ah ee Beko, oo horraanba wehel iidheh muddo dheer la ahayd Blaugrana oo ku xayaysiisa gacanta funaanadeedda ay haatan doonayso in ay si dhow xiriir ula sameeyso kooxdan wayn.

Heshiiska ayaa si rasmi ah maalmaha soo aaddan loogu dhawaaqi doonaa, iyadoo ay sharikadda Beko noqon doonto midda 3-aad ee sponsor ahaan ugu wayn Barcelona marka laga soo tago Nike iyo Rakuten.

IMAGE DISTRIBUTED FOR BEKO – Two mannequins pose with the FC Barcelona jersey after the announcement of a new four year partnership agreement between global home appliance manufacturer Beko and FC Barcelona in the Camp Nou stadium in Barcelona, Spain, on Monday, June 30, 2014. (Vicens Gimenez/AP Images for Beko)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close