Rooney: Afartan koox ayaa ku dhammeysan doonta afarta sare

(London) 07 Feb 2018. Weyne Roney waxa uu aaminsan yahay in kooxaha waqooyiga London ay ku adkaan doonto ka mid noqoshada afarta sare ee Premier League-ga kolkan.

Iyada oo uu 12 kulan ololahan ka harsan yahay, waxaa xoogeystay tartanka loogu jiro afarta sare.

Labada Manchester waxa ay la fogaadeen laba kaalin ee hore xilli wiialsha City ay 13 dhibcood hoggaanka ku hayaan.

Waxaa isku ciriirinayey afarta sare hadda Liverpool, Chelsea, Tottenham iyo  Arsenal, Rooney waxa uu qabaa in Arsenal iyo Spurs xaalka ku xun yahay.

“Waxaan qabaa Chelsea in ay koox fiican tahay,” ayuu Rooney u shegay Sky Sports. “Waxaan qabaa in ay afarta sare gali doonaan runtii.

“Caadiyan waxaa jira arimo Antonio Conte ah laakiin waxaan hubaa in ay xallin doonaan waxa ayna haystaan tayo ku filan oo ay afarta sare ku galaan.

“Waxaad  maleyn kartaa Mancehster United in ay afarta sare ku dhammeysato. Waa ciriiri, Tottenham wey soo dhawaatay, Liverpool.

“Markaa ciriiri ayey ahaan doontaa, laba ka mida lixdaas ayaa waayi doona. Waxaan qabaa Chelsea, Man City, Liverpool iyo Man United.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close