Mbappe oo ka hadlay qaab ciyaareedka Ronaldo

(Paris) 07 Feb 2018. Kylian Mbappe waxa uu hoos u dhigay ahmiyadda qaab ciyaareedka hoose ee Cristiano Ronaldo kahor kulanka Paris Saint – Germain.

Ronaldo aad ayuu uga hooseyaa kolkan sidii lagu yaqaanay, xiddigga Ballon d’Orkiisii shanaad ku guuleystay goolal yari ayaa heshay.

17 gool ayuu dhammaan tartamada ilaa iyo hadda dhaliyey.

Bandhig xumadiisa waxa ay timi xilli kooxdiisa xittaa ay ka taallo waxa ayna kaalinta afraad uga jiraan La Liga oo ay 19 dhibcood uga hooseeyaan Barcelona.

Walow uu La Liga hadda ka hoos baxay, hadana Ronaldo iyo saaxiibadiis waxa ay fursad u haystaan Champions League-ga.

Laakiin waa in ay ka adkaadaan PSG oo ay wareegga 16ka foodda isku darayaan.

Kahor kulankooda, Mbappe ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka ROnaldo: “Ronaldo hoos u dhac kuma imaan. Haddii uu hoos u dhacay, markaa waxaa jira ciyaaryahano badan oo hoos u dhacay,” ayuu yri.

Waxa uu raaciyey: “Laakiin waxaan rajeynaynaa in uu marka uuna naga horyimaado aamusnaado.

“Waxaan isugu diyaarineynaa anaga oo diiradda saareyna awooddooda oo dhan. Isna waa mid ka mida awoodda kooxda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close