El Hadji Diouf oo ku jooga jidkii George WEAH (Siyaasadda oo uu galay) + Sawirro

(Dakar) 07 Feb 2018 – Laacibkii hore ee El Hadji Diouf ayaa u dhaqaaqay dhanka mihnadda siyaasadda, isagoo doonaya inuu isu taago madaxtinnimada dalkiisa Senegal.

Laacibkan oo uu mar “jiir bullaacadeed” uu ku tilmaamay macallinkii Cardiff ee Neil Warnock, ayaa usoo ciyaaray kooxaha Liverpool, Sunderland, Blackburn, Bolton iyo Leeds ee dalkaasi Ingiriiska.

Laacibkan oo ciyaaraha ka howlgabay 2015, ayaa majaladda FourFourTwo u sheegay in uu haatan siyaasadda u bayrayo kaddib sanado badan oo uu kubadda cagta kusoo dhex jirey, isagoo aad caan uga ah dalkiisa oo uu 2000-meeyadii ka noqday geesi qaran.

Dabacan wuxuu ku joogaa jidkii George Weah, oo noqday madaxwaynihii 25-aad ee dalkaasi Liberia bishii tagtay, iyadoo uu haatan 37-jirkani uu calafkiisa ka eegi doono dhanka siyaasadda.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close