SAWIRRO: ”Conte tababarka wuu kugu dilayaa, waa sida taliye ciidan!” – Giorgio Chiellini

(Torino) 07 Feb 2018 – Daafaca Juventus ee birta ah Giorgio Chiellini ayaa Antonio Conte ku tilmaamay “saajin booliis ah”, isagoo sheegay in tababarkiisa sida uu yiri “lagu dhimanayo”.

Daafacan dhexe ayaa kasoo hoos shaqeeyay macallinka Chelsea min heer kooxeed oo Juve ah iyo heer qaran oo Talyaaniga ah, isagoo la qaaday 3 Scudetti isla markaana la gaarey wareegga 8-da ee Euro 2016.

“Conte ciyaarta kaliya ma ahane wuxuu kugu dilaya tababar, waa sida saajin booliis ah,” ayuu Chiellini u sheegay Daily Mail.

“Marka aad tababarka dhamayso, waadba dhimatay. Ma aadan daalin — ee waad dhimatay. 40 maalmood oo aannu France joogney waxay u ekayd sidii inaan duni cusub galnay.” ayuu raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close