Banaadir oo ku bar baratay Woxool Somalia Premier League

(Muqdisho) 07 Feb 2018. Banaadir ayaa gaartay guusheedii ugu horreysay ee Somalia Premier League iyadoo ciil kala kor dagtay naadiga Woxool oo ay ku martay 4-1.

Qeybta hore ee Ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1.

No automatic alt text available.

C/shakuur Qaliif ayaa goolka koowaad ugu daah furay naadiga Banaadir, Waxaa raacsaday Qeys oo gool qurux badan dhaliyay waxaana goolka saddexaad qeybta hore ku soo xiray xiddiga Ajanbiga ee muddada u ciyaarayay ee Marcel.

Goolka qura ay Woxool dhalisay ayaa waxaa qeybtii hore u saxiixay Ahmed Lambard.

Goolka afaraad ayaa waxaa Banaadir u dhaliyay Penteke.

Guusha ayaa ka dhigan in Banaadir ay gaartay guusheedii ugu horreysay ee Somalia Premier League maadaama labadii kulan ay horey u soo ciyaartay midna laga adkaaday midna ay bar baro gashay.

No automatic alt text available.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close